Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir lagu soo bandhigayay dib-u-habeynta lagu sameeyay xeerka maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.
La-taliyaha sharciga iyo xafiiska garyaqaanka gobalka Banaadir ayaa soo bandhigay dib-u-habeynta lagu sameeyay xeerkan oo in muddo ah laga shaqenayay iyo muhiimadda ay u leedahay maamullada degmooyinka gobolka Banaadir, taas oo hageysa kala sarreynta, xuquuqaha shaqaalaha degmooyinka iyo nidaamka shaqo ee degmada.
Madaxda maamullada degmooyinka oo dood ka yeeshay hanaanka dib-u-habeynta xeerkan, ayaa la isla qaatay in guddi farsamo oo dhinaca maamulada degmooyinka ah loo xil-saaro si muddo gaaban ay xeerkaan ugu soo biiriyaan talooyinkooda.
Ugu dambeyn, Duqa Caasimadda oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu Xeerkan u leeyahay maamulada degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo xusay in xeerkaan uu bulshada u fududeyn doonno la xisaabtanka maamulada degmooyinka iyo helidda adeeg hufan.








































