Hawlgalka Ciidanka ATMIS oo sheegay in ay billaabeen dhimista ciidankooda jooga Soomaaliya

0
67

Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa maanta shaaciyay inay billaabeen dhimista tirada ciidamadooda Soomaaliya jooga, si waafaqsan qorshaha amniga loogu wareejinayo ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Hawlgalka Midowga Afrika ayaa lagu yiri: “Hawlgalka ATMIS waxa ay billaabeen yareynta ciidamada si waafaqsan qaraarka Qaramada Midoobay oo ku qasbaya ATMIS in 2,000 oo askari ay kala baxdo Somalia dhammaadka bishan Juun.”

Sidoo kale, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyada weli ay socdaan weerarrada dhimashada leh ee kooxaha Khawaarijta, inkastoo dowladda ay waddo hawlgallo ka dhan ah kooxda oo ATMIS ay taageereyso.

Bishii lasoo dhaafay 54 askari oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta Uganda ayaa la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ku yaalla deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, Weerarkaas ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dowladda ay billowday howlgal xooggan oo ka dhan ah kooxda bartamihii sanadkii tegay.

Hawlgalka ATMIS ayaa April sanadkii tegay beddelay howlgalka AMISOM, oo ka koobnaa 20,000 oo askari oo kala kala yimid dhowr dal oo ay ka mid yihiin Burundi, Kenya iyo Uganda.

ATMIS ayaa sheegtay inay saldhig ciidan oo ay ka howlgalayeen ciidamada Burundi oo ku yaalla HirShabeelle u gacan gelisay ciidamada xoogga dalka.

Ugu dambeyn, ATMIS ayaa haysata fasax ka badan AMISOM oo ay weeraro ku fulin karto, waxaana qorshahoodu yahay inay amniga Soomaaliya kuw areejiyaan ciidamada xoogga dalka dhammaadka 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here