Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa awaamiir adag kasoo saartay hubka sharci darrada ah ee aan ka diiwaan gashaneyn wasaaradda.
Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: “Muwaadinka xushmadda iyo qaddarinta mudanoow sharcigu kuuma ogolaanayo inaad hub/rasaas ku heysato, hoygaaga, xafiiskaaga shaqada, goobtaada ganacsi ama gaadiidkaaga dhexdiisa.
Sidoo kale sharcigu kuuma ogolaanayo ka ganacsiga, soo dejinta iyo dhoofinta hubka. Dhamaan falalkaasi waa dambi, qofkii lagu helana sharciga ayaa lala tiigsanayaa.
Hubka iyo rasaastu waa in ay gacan dowladeed oo qura ku jiraan, Sidaa awgeed Qofkii, hay’addii ama shirkaddii ka maarmi weysa hub ay u adeegsato in ay isku ilaaliso waxaa ku waajib ah in ay ka diiwaangeliso Wasaaradda Amniga Gudaha.
Ugu dambeyn, Waxaa qoraalka lagu sheegatmy in Muwaadinku ka digtoonaado inuu jabiyo sharciga oo aad ciqaab mudato. Si aad hubkaaga u diiwaan-geliso kala xiriir Waaxda Amniga Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Tel 846666.”













