Duqa Muqdisho oo daah-furay Ololaha Bilic soo celinta iyo Nadaafadda Caasimadda: SAWIRRO + MUUQAALLO

0
323

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daah-furay ololaha nadafadda iyo bilic soo celinta Caasimadda dalka ee Muqdisho, kaas oo ay si wadajir ah ugu qaybgaleen maamulka Gobolka Banaadir, Hawl-wadeennada Dowladda Hoose ee Xamar, Shirkadda Nadafada IFI iyo Maamullada Degmooyinka.

Daahfurkan ololahan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, maamulada degmooyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo hawlahan nadaafadeed ay qayb ka yihiin u diyaar-garowga munaasabadaha maalmaha xorriyadda iyo Ciidul Adxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here