SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dadkii xorriyadda u soo halgamay lagu xusayo dhigay Taallada Dhagax-tuur

0
466

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weynaynaya toddobaadka xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo-doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay isaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

Toddobaadka xorriyadda ayaa si weyn looga maamuusaa dhammaan dhulka ay dagto Soomaalida, waxaana munaasabad lagu xusayay 26-ka Juun oo ku beegan markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed laga taagay ciidda Soomaaliya lagu qabtay xalay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, iyada oo uu goobjoog ka ahaa xuskaas Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here