Rag hubeysan oo dad rayid ah ku afduubtay gobolka Hiiraan

0
1200

Koox hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay dad rayid ah ku afduubleen deegaanka Goobo oo qiyaastii 11 km u jirta deegaanka Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Rag hubeysan ayaa gaari kala dagay ilaa 8 ruux oo saarnaa gaari ka yimid dhanka degmada Guriceel islamarkaana ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in raga afduubka geystay ay u abaabulnaayeen hab beeleed, lagana cabsi qabo inay salka ku heyso dilal dhawaan ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Matabaan iyo degmada Guriceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here