Mas’uuliyiin kormeeray xarunta ay ka socoto sixitaanka Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe : SAWIRRO

0
299

Xubno isugu jiray xildhibaanno ururrada bulshada raydka ah, hay’adaha cilmi-baarista, bahda waxbarashada iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay xarunta Jeneraal Kaahiye (iskool bolisiyo), halkaas oo ay ka socoto howsha sixitaanka imtixaanka fasalka 8-aad ee Maamulka Gobolka Benaadir ee sannad dugsiyeedka 2022-2023. Kormeerkan ayaa ahaa mid loogu kuur gelayo ogaanshaha hannaanka uu maro sixidda imtixaanka.

Kormeerku marka uu dhammaaday mas’uuliyiinta ayaa ka warbixiyay kormeerka ay sameeyeen iyo waxa ay indhahoodu qabteen, iyaga oo bogaadiyay sida mas’uuliyadda leh ee uu xafiiska imtixaanaadka agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir isugu xilsaaray xaqiijinta, hufnaanta iyo sax ahaanshaha sixidda imtixaanka.

Ugu dambeyn, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir waxaa ka go’aan qaadista imtixaan tayo sare leh, haystana kalsoonida bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here