Kooxda Barcelona ayaa ka baxday heshiiskii ay kula jirtay difaacooda Samuel Umtiti, sida ay Jimcihii warbaahinta u sheegtay kooxda heysata horyaalka Spain ee LaLiga.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa Barcelona kaga soo biiray Olympique Lyonnais sanadkii 2016-kii, waxaana qandaraaskiisa uga haray seddex sano.
29-sano jirkan ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo xiriir ah kadib markii uu ka caawiyay xulka France ku guuleysiga Koobka Adduunka 2018, waxaana uu xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay kooxda Serie A ee Lecce.
Sidoo kale, Samuel Umtiti ayaa u ciyaaray kooxda Barcelona 133 kulan, isagoo kula guuleystay seddex koob oo Copa del Rey ah, labo horyaal oo LaLiga ah iyo labo koob oo maxali ah.
Dhanka kale, Kooxda Chelsea ee ka dhisan Ingiriiska ayaa heshiis siddeed sano ah la saxiixatay weeraryahanka reer Senegal Nicolas Jackson, isagoo kaga soo biiray kooxda Villarreal.
22-sano jirkaan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray Villarreal xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay sagaal gool sideeddii kulan ee ugu danbeysay, isagoo ku guuleystay ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka LaLiga bishii May.
Jackson ayaa dhaliyay 12 gool 26 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore. Waxa uu sidoo kale kulankiisii ugu horreysay u saftay Senegal Koobka Adduunka ee Qatar, isagoo ciyaaray 16 daqiiqo markii ay guuldarro 2-0 ah kala kulmeen Netherlands.













