Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-dhigay dhismaha waddo muhiim ah oo dhexmarta degmada Hodan: VIDEO + SAWIRRO

0
375

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee hormarta masjidka Sheekh Cali Suufi ee Degmada Hodon.

Dhagax-dhiga waddadan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Degmada Hodan, iyadoo dhismaha waddadan ay iska kaashanayaan maamulka Gobolka Banaadir, bulshada degmada Hodan iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa goobta ka sheegay in maamulkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo dhismaha waddooyinka Caasimadda, si kaabayaasha iyo bilicda Caasimadda loo horumariyo.

Ugu dambeyn, Bulshada Caasimadda ayaa baahi weyn u qaba dhismaha waddadaan, maadaama ay halbowle u tahay isku xirka suuqa weyn ee Bakaaraha iyo degmada Hodan inteeda kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here