Lionel Messi ayaan wax qoomamo ah ka qabin go’aankii uu ugu biiray Inter Miami, wuxuuna sheegay in uu aad u danaynayo inuu loollaan cusub la kulmo.
36-sano jirkaan ayaa Talaadadii soo gaaray Mareykanka maalmo kahor inta kooxda Inter Miami aysan munaasabad gaar ah Axadda kusoo bandhigin laacibkooda cusub.
“Waan ku faraxsanahay go’aanka aan gaarnay, waxaan diyaar u ahay oo aan aad u xiiseeyaa inaan wajaho loolanka cusub,” Messi, ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga Argentina Talaadadii.
“Maskaxdeyda iyo madaxaygu isma beddelayaan, waxaan isku dayi doonaa, meel kasta oo aan joogo, inaan bixiyo ugu badnaan nafteyda iyo kooxda, si aan u sii wado bandhigga heerka ugu sarreeya.”
Kooxdan ayaa isku diyaarinaysa in ay qabato munaasabad gaar ah oo uu ku soo bandhigayo xiddiga ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ee todobada jeer taas oo ka dhici doonta garoonka DRV PNK Stadium ee Fort Lauderdale.
Dhanka kale, Ruben Loftus-Cheek ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu door hoggaamineed ka ciyaaro AC Milan kaddib markii uu kasoo tagay kooxdii uu illaa yataantiisii uu uga cayaarayay khadka dhexe ee Chelsea.
27-jirkan heerka caalami ee England ayaa u soo dhaqaaqay garoonka ‘Rossoneri’ kadib markuu 19-sano ku qaatay garoonka Stamford Bridge, isagoo kula guuleystay kooxdiisii hore, Premier League, Europa League iyo UEFA Super Cup.
Loftus-Cheek ayaa u saftay Chelsea in ka badan 155 kulan,waxaana uu dhaliyay 13 gool ka hor inta uusan heshiis afar sano ah u saxiixin Milan.
“Waan fahansanahay culeyska funaanada Milan iyo mas’uuliyaddayda kooxdan,” ayuu Loftus-Cheek u sheegay koox suxufiyiin ah oo uu kula hadlay bartamaha magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.
“Khibrad badan ayaan u leeyahay kubadda cagta, taasna waan ka faa’ideysan karaa… Waxaan dareemayaa inaan si aad ah ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo koox si weyn looga yaqaan caalamka, waxa aana diyaar u ahay in aan noqdo hogaanka Seria A.”
“Waan ku faraxsanaa in aan u ciyaaro kooxdaydii hore anoo aad u da’yar, balse ma dareemayn inaan wax kusoo kordhin karo. Hadda waxa aan dareemayaa inaan haysto khibrad badan oo aan bixiyo.”
Loftus-Cheek ayaa u muuqda inuu dib ula midoobi doono saaxiibkiisii hore ee Chelsea Christian Pulisic oo ku sugan AC Milan, waxa uuna sheegay inay wax badan kusoo kordhin doonaan kooxda.
Ugu dambeyn, Kooxda AC Milan ayaa isku diyaarinteeda xilli ciyaareedka cusub ka billaabi doonta Maraykanka, halkaasoo ay kulammo saaxiibtinimo kula cayaari doonaan kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus.













