Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay muwaadin Macallin Cali Maxamed Maxmuud oo in muddo ah lagu soo dabiibayay dalka Hindiya, kaddib markii xaaladdiisa caafimaad dalka gudihiisa wax loogu qaban waayay, isla markaana uu duqa Muqdisho kafaala qaaday wax ka qabashada xaaladdiisa caafimaad.
Macallin Cali Maxamed Maxamuud ayaa ugu mahad-celiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) doorka lama illaawaanka ah ee uu ka qaatay in wax laga qabto xaaladdiisa caafimaad, isaga oo Eebve ugu baryay in uu ajar iyo xasanaad ka siiyo sida uu had iyo jeer ula damqado bulshada intooda nugul.















