Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi oo ay wehlinayeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Sen. Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Sen. Cabdullaahi Cali Xeri (Timacdde) waxay xarunta Aqalka Sare kulan kula yeesheen Guddoonnada Golayaasha Sharci dejinta ee Dowladaha xubnaha Dowladda Federaalka (DXDF) oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka Aqalka Sare iyo Golayaasha Sharci dejinta DXDF iyo ka wada shaqaynta adkaynta nidaamka federaalaynta Dalka.














