Guddoomiye Kuxigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa xilka u kala wareejiyay guddoomiyaha cusub ee deegaanka Garasbaaley, mudane Ibraahim Colow Maxamed iyo guddoomiyihii hore ee deegaankaasi, mudane Nuur Xasan Cali.
Xil-wareejintaan oo ay kasoo qayb-galeen qaybaha kala gedisan ee bulshada, ayaa waxa uu guddoomiyaha cusub ee deegaanka Garasbaaley, mudane Ibraahim Colow Maxamed kaga codsaday bulshada deegaanka in ay la shaqeeyaan si uu u guto waajibaadkiisa shaqo, isagoo ballan-qaaday in uu wax ka qaban doonno horumarka deegaanka Garasbaaley.
Guddoomiyihii hore ee deegaanka Garasbaaley, mudane Nuur Xasan Cali ayaa u mahad-celiyay shacabka deegaanka sida hufan oo ay ula shaqeeyeen inta uu xilka hayay, waxa uuna ka codsaday in ay sidoo kale la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee deegaanka Garasbaaley.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa xilka u kala wareejiyay guddoomiye ku-xigeenka cusub ee amniga iyo siyaasadda deegaanka Garasbaaley, mudane Axmed Xuseen Maxamed iyo guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda deegaanka Garasbaaley, mudane Cabdulahi Ciid Maalin, isagoo kula dardaarmay dhamaan maamulka deegaanka Garasbaaley in la dardar-geliyo adeegyada loo haayo shacabka.











































