Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddo Interlock ah oo laga fuliyay saddex waddo oo ku dhacda Waddada Taleex iyo Xaaji Baasto, taas oo dhismaheeda ay iska kaashadeen maamulka degmada iyo bulshada, waxaana mashruucaas fulisay shirkada Horyaal Interlock.
Guddoomiyaha degmada Hodan, Mudane Cali Fahle ayaa tilmaamay in dhismaha waddadan ay baahi weyn u qabeen bulshada ku nool degmada Hodan maadaama waddooyinkan ay yihiin kuwo ganacsi.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale waxa uu tilmaamay in horay loo sii wadi doono mashaariicda dhismaha waddooyinka Caasimadda.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Madaale ayaa sheegay in dadweynaha Gobolka Banaadir ay u istaagaan xoojinta ka qayb-qaadashada mashruuca dalkaaga ku dhiso Hal Doolar ($1) oo ah mashruuc ahmiyad gaar ah siinaya dhismaha waddooyinka Magaalada Muqdisho.








































