Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa casho sharaf dhiirri-gelin ah u sameeyay cayaartoyda, taageerayaasha, macalimiinta iyo maamulka naadiga kubadda cagta (MCC) ee Dowladda Hoose Xamar, kaddib guulihii ay ka gaareen koobka maalmaha xorriyadda.
Munaasabaddan waxaa kasoo qayb-galay, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, wasiirka amniga, wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda G/Banaadir, xoghayaha guud ee G/Banaadir, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, agaasimaha guud ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta G/Banaadir iyo marti sharaf kale oo dhammaantood dhiirri-gelin u muujiyay naadiga MCC.
Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Madaale ayaa kula dardaarmay cayaartoyda MCC, macallimiinta iyo maamulka naadiga inay mar weliba ilaaliyaan sharafta iyo sumcada magaca naadig, iyada oo la adeegsanayo xirfad, farsamo iyo cayaar-wanaag, si guulo looga gaaro caayaraha iyo tartamada soo aadan ee naadigu ka qaybgalayo.

















































