Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ay wehliyaan xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha u qaabilsan gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u daah-furay qorshaha sahminta goobaha diiwaan-gelinta iyo cod-bixinta doorashooyinka.
Guddiga doorashooyinka madaxa-banaan iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u tagay xarunta degmada Boondheere, iyaga oo kormeer sahmin ah ku tagay goobo kala duwan oo loo asteen karo diiwaan-gelinta iyo cod-bixinta doorashooyinka.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’ideystaan fursad ah in ay codkooda dhiibtaan si ay u doortaan cida ay hoggaankooda u dhiiban lahaayeen, taas oo qeyb ka ah buu yiri fulinta howlaha loo idmaday hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya.













































