Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qayb-galayay dood looga hadlay baarista iyo maxkamadeynta dacwadaha la xiriirah maandooriyaha ayaa sheegay in hay’adaha dowladda ee booliiska iyo xeer-ilaalinta ay u adeegaan bulshada qaybahooda kala duwaan.
“Masuuliyiinta qaybahooda kala duwaan ee ka shaqeeya xafiisyada booliiska iyo Xeer-ilaalinta waa inay noqdaan kuwo bulshadu ay heli karto – iyadoo aan cid kale loosoo marin, si cabashooyinka loogu soo gudbiyo. Waxaa muhiim ah in taliyaha qaybta ama hoggaanka u noqdo mas’uul laga heli karo xafiiskiisa marka loo baahdo waana mida keliya ee bulshadu kalsooni ki qabi karaan, kana dhigi karta shaqada mid hufan,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Qaranka.
Waxa uu xeer-ilaaliyuhu intaas ku daray; “Haddii ay dhacdo in si qaldan qof loo xiro oo qofka uu cabasho ka yahay xariggii la xiray ee sida qaldan ku dhacay, waxa aan u sheegaynaa xafiiska xeer-ilaaliyaha in uu leeyahay lambar gaaban oo lagala soo xiriir karo, si qofkaas tabashada uu qabo ugu soo gudbiyo xafiiska xeer-ilaaliyaha. Waxaa jira guddi kormeera saldhigayada oo xaafiiska xeer-ilaalinta ka tirsan isaga ayaan xaqiijiya dhacdooyinka inta badan run ahaanshiyahooda,”
Ugu dambeyn, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo la xariira baarista iyo maxkamadeynta dacwadaha la xiriira maandooriyaha oo dhibaatooyin badan ku haya dhallinyarada Soomaaliyeed.













