SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAY MAGAALADA MUQDISHO

0
292

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAY MAGAALADA MUQDISH

Muqdisho, Oktoobar 27, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya hirgelinta siyaasadda lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay Madaxtooyada dalka.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya , Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa shirkan diiradda ku saaraya, dardargelinta dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, dhammaystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxda ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo abaaraha ka jira deegaannada dowlad-goboleedyada ayaa adkeeyay muhiimadda in la mideeyo dadaallada dalka lagu xoreynayo iyo gurmadka loo fidinayo shacabka kasoo barakacay Abaaraha iyo Argagixisada.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here