Kulan Qur’aan akhris iyo duco isugu jiray ayaa xarunta Mu’asasadda Mucallin Nuur Maxamed Siyaad ee degmada Hodan loogu sameeyay shuhadadii qaraxii 24/07/2019-kii khawaarijta ka fuliyeen Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaasoo ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin maamulka Gobolka Banaadir ka tirsnaa oo uu ugu horeeeyay Guddoomiyihii Gobolka ahaana Duqii Muqdisho, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Injineer Yariisow), guddoomiyeyaal degmo, agaasimayaal, la-taliyeyaal iyo hawlwadeenno ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Xamar.
Wasiir ku-xigeenka warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Amb. Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xildhibaanno, guddoomiyeyaal degmo, agaasimeyaal ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, culummo iyo qaar ka mid ah ehellada shuhaddadii 24-07-2019. ayaa ka qayb-galay kulanka sanadlaha ah ee loogu duceeyo shuhaddada.
Ugu dambeyn, Waxaa goobta ducada ka hadlay mas’uuliyiintii kulanka ka qayb-galay, iyagoo ku dheeraaday taariikhdii AUN. Eng. Yariisoow. Waxa ayna qireen doorkiisa dowlad-dhiska iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, iyagoo carrabka ku dhiftay in dhacdadii xanuunka badneyd ee uu ku baxay Eng. Yariisow aysan noqon doonin mid hakisa dadaalka lagu dhisayo dowladda Soomaaliya, balse ay noqon doonto mid qof walba oo Soomaaliyeed ku dhiirisa in uu ka qaybqaato dowlad-dhiska iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.




















































