Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qayb-galay dood shalay si toos ah uga baxaysay Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka Soomaaliyeed oo su’aalo looga waydiinayey tayeynta waxbarashada Dalka.
Wasiir Faarax ayaa tilmaamay ahmiyadda uu leeyahay barnaamijkan isagoo kaga jawaabay su’aalo muhiim ah, isla markaana sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu hor yimaaddo bahweynta waxbarashada dalka si uu ugu bidhaamiyo halka uu marayo geedi-socodka hayaanka waxbarashada dalka.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo ardayda ayaa su’aalo toos ah waydiiyay wasiirka, iyagoo ku ammaanay in uu horyimaado, si uu dhageysto tabashooyinkooda iyo talooyinka ku aaddan tayeynta Waxbarashada dalka.
“Kalsoonida shacabkeenna waxa ay gaartay in la aamini waayo wax walbo oo wanaagsan oo ay dowladda sheegtay, sidaa darteed waxa aan idiin ballan-qaadayaa in aan wax ka qabanno wax kasta oo dadkeennu laga dhaadhiciyay in aan la gaari karin ama aan laga miro-dhalin karin” ayuu yiri wasiir Faarax Cabdulqaadir.
Wasiirka waxbarashada ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay xukuumadda federaalka Soomaaliya gudashada waajibaadka ka saaran baahinta, tayaynta iyo horumarinta guud ee waxbarashada dalka. Waxa uuna si gaar ah uga faallooday qorshaha shaqaaleysiinta macallimiinta cusub dowladda ee hadda socdo.














