Kooxda Chelsea ee ka dhisan Ingiriiska ayaa soo bandhigtay heshiiska cusub ee ay la gashay laacibka da’da yar ee Lesley Ugochukwu, kaasoo heshiiskiisu uu yahay toddoba sano iyo sanad 8-aad oo isagu u leeyahay qiyaar inuu soo joogo kooxda iyo in kale.
Lesley Ugochukwu oo ka dheela khadka dhexe, waxa ay Blues kala soo wareegtay kooxda Rennes iyadoo kaasoo bixisay 23-milyan oo Giniga Ingiriiska ah.
Heshiiskan ayaa noqonaya midkii afraad ee ay kooxsa Chelsea gasho kaddib markii uu kooxda si rasmi ah ula wareegay tababare Mauricio Pochettino oo doonaya in kooxda uu ka dhigo mid awood buuxda u leh inay kasoo muuqato garoommada caalamiga ah.
Ugochukwu ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta Rennes, waxa uuna yimid heerka kowaad xagaagii hore oo uu u saftay 60 ciyaarood, waxa uuna ka mid ahaa ciyaartoydii xulka Qaranka France ee 19-jirada.
Chelsea ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay shaaciso heahiiska difaaca Monaco ee Axel Disasi kaasoo ku kacaya 45-milyan oo Gini, iyadoo kooxdu ay doonayso inuu u beddelo laacibkooda Wesley Fofana oo dhaawac soo gaaray kaga maqnaan doona inta ka hadhay xilli-ciyaareedka 2023/2024.
Dhabka kale, Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa si dgammeystiran ugu wareegay kooxda Al-Nassr ew dalka Saudi Arabia oo uu u saxiixay heshiis muddo fog ah, kaasoo niyad-jab weyn ku beeray Liverpool oo uu ka dhaqaaqay sanad ka hor iyadoo doonaysa
Mane oo ku labisan dharka lagu yaqaanno kooxda Al-Nassr oo uu ka qaadan doono mushaar ka badan midkii uu ka qaadan jiray kooxda Bayern Munich oo uu sanad keliya la joogay.
Weeraryahankan 31-jirka ah oo markii hore u carrab laalaadiyay kooxda Al Ettifaq ee uu tababaraha u yahay Steven Gerrard ee dhawaan la wareegtay Jordan Henderson ayaa waxa uga hor-martay Al-Nassr oo u bandhigtay dalab qiimihiisu sarreeyo oo uu kula midoobayo Crstiano Ronaldo iyo Brozovic oo ay iska garab ciyaari doonaan.
Munich iyo Al-Nassr midna lagama hayo tirada lacagta uu ku kacay iibkooda, balse wararka laga helayo Saudi Arabia ayaa sheegaya in kooxdaasi ay bixisay 40-milyan oo EURO, isaga oo kooxdiisan cusub la joogi doona muddo saddex sano ah.
Kooxda Bayern Munch ayaa sanad ka hor kaga soo iibsatay Sadio Mane kooxdii uu lixda sano joogay ee Liverpool lacag dhan 33-milyan oo Gini oo 7.5 milyan oo Gini oo ka mid ah ay ku xirnaanayeen bandhigga laacibkan iyo guulaha uu la gaaro Munich. balse Liverpool ayaan hadda heli doonin lacagta ah £7.5 milyan ee Gini, maadaama uu kooxda kaga tahay muddi 12 bilood ku siman, isla markaana uu kaliya u saftay 38 cayaarood oo uu dhaliyay 12 gool.
Ugu dambeyn, Sadio Mane ayaa waxa ay kooxda Al-Nassr ku midoobi doonaan laacibiin waaweyn oo Cristiano Ronaldo uu ugu horreeyo, waxaa kaloo jooga; Marcelo Brozovich, Seko Fofana iyo Alex Telles.













