Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo gudanaya waajibaadka ka saaran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta u yeeray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS , C/qaadir Maxamed Nuur iyo Cabdifitaax Qaasim, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda difaaca si ay su’aalo uga weydiiyaan howlaha Wasaaradda.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dufaaca wax laga waydiiyay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda, halka ay marayaan howlgallada Dalka looga xoreynayo argagixisada, guulaha laga gaaray wejigii koowaad, qalabka iyo tababarrada Ciimadamada, weerarkii kulliyadda Jaalle Siyaad iyo su’aalo kale, taas oo Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenku ay si faahfaahsan xubnaha Guddiga ugu war bixiyeen.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee BFS Senator, Aadam Cabdinaasir oo kulanka guddoominayay ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda uga mahad celiyay sida hufan ee ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda iyo su’aalihii kalaba.













