Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay ee taageerada Hawlgallada: SAWIRRO

0
405

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka taageerada howlgallada Mr. Atul Khare oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada ay Q.M. siiso Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, siyaasadda iyo xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday sidii Q.M. u xoojin lahayd qorshaha lagu xaqiijinayo in ciidanka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga dhammaadka sanadkan 2024.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ka guddoomay shahaado sharaf uu ku mutaystay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalka, ayaa uga mahadceliyey Q.M. taageeradooda ku aaddan madaxbannaanida, gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here