Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday xarunta gabdhaha agoonta ee degmada Boondheere, si uu ugu kuur-galo adeegyada kala duwan oo ay xaruntaas siiso gabadha Agoonta ah iyo daryeelkooda.
Duqa Muqdisho ayaa mid mid u kormeeray qaybaha ay xaruntan ka kooban tahay isagoo la kulmay ardayda agoonta ah oo xiligaas ku jiray xiisadahooda waxbarasho, waxa uuna ku dhiirri-galiyay in ay ku dadaalaan waxbarashada si ay u noqdaan kuwa waxtara mustaqbal kooda iyo dalkooda.
Nuurto Maxamed Cadow oo ah maamulaha xarunta gabadha agoonta Boondheere ayaa warbixin kooban siisay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, taas oo la xariirtay xaaladda carruurta agoonta ah, daryeekooda iyo baahiyaha taagan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa sidoo kale booqday xarunta Maama Ugaaso ee degmada Wadajir oo ah goob lagu daryeelo carruurta ah darbi-jiifta.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa ku bogaadiyay, Siraad Maxamed Nuur oo ah milkiilaha xarunta Maama Ugaaso sida is-xilqaanka leh oo ay ugu istaagtay daryeelka cartuurta Soomaaliyeed ee dayacan, isagoo ballan-qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu si gaar ah uga warqabi doono goobaha lagu daryeelo carruurta Soomaaliyeed.















