Beesha Caalamka oo si Wadajir ah u Taageeray Ansixinta Baarlamaanka Somalia ee Afarta Cutub ee Dastuurka Soomaaliya

0
235

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku bogaadinayeen dadaallada dowladda iyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee quseeya xuquuqul insaanka – oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.

“Waxa aan rajeyneynaa iskaashi sii socda mustaqbalka oo aan la yeelano Somalia oo iyadu xoojinaysa doorka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wadajirka ah ee beesha caalamka.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri: “Waxa aan qireynaa ku-talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tala-gashay horumar ay ka sameynayso dhameystirka dastuurka, waxa aanan ku boorrineynaa dhammaan saamileeyda inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda ku wajahan dhisidda wadar-ogol loo marayo geeddi-socod loo dhan yahay.”

Wae-saxaafadeedkan ayaa waxaa wadajir u soo saaray; Hawlgalka kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, wafdiga Midowga Yurub, Finland, urur-goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Norway, Suudaan, Sweden, Turkiga, Britain, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here