Guddoomiye Madaale oo Kormeeray Mashruuc Indho fiiqis ah oo ka socda Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho: SAWIRRO

0
24

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir oo uu ka socdo mashruuc indho-fiiqis ah, isla markaana ay ka faa’iideysanayaan ku dhawaad 2,000 oo ruux oo kasoo jeeda qoysaska danta yar.

Bangiga Boqor Salmaan ee boqortooyada Saudi Arabia ayaa fulinaya mashruucan indha-fiiqista ah, iyaga oo ka jawaabaya codsiga Duqa Muqdisho, mudane Madaale ee la xariira taageerada mashruuca daweynta indhaha dadka danta yar.

Wasiir-u-dowlaha wasaarada caafimaadka ee XFS, Drs Maryan Maxamed Xuseen, agaasimaha caafimaadka D.H.X iyo agaasimahaha caafimaadka isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir, Drs Fartuun Shariif Maxamed ayaa kormeerkan qayb ka ahaa, iyaga oo uga mahadceliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay horumarinta howlaha samafalka la xariira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here