Guddoomiye Madaale oo dhagax-dhigay waddo laami ah oo laga dhisayo degmada Yaaqshiid: SAWIRRO + MUUQAALLO

0
272

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay mashruuca dhismaha waddo laami ah ah isku xirta waddooyunka Suuq Bacaad iyo Janaraal Daa’uud ee degmada Yaaqshid.

Hirgalinta dhismahan oo qayb ka ah mashruuca dalkaaga ku dhiso hal doollar ayaa fulinteeda waxaa iska kaashaday maamulka degmada Yaaqshid, bulshada deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu damveyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo waddooyinka ugu horreeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here