Tababar la xiriira bixinta Adeegyada Bulshada oo loo furay Maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
305

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa furay tababar ku saabsan hababka wax-tarka leh ee bixinta adeegyada bulshada iyo maareynta khilaafyada oo loo qabtay maamulada degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.

Tababarkan oo socon doono muddo laba maalmood ah ayaa furitaankiisa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaada maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, waxaana inta uu socdo looga dooday sida ugu habboon ee loo fulin lahaa adeegyo waxtar leh, isla markaana si hufan loogu qidmeeyo bulshada ku nool caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here