Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ee Muqdisho ku sii sagootiyey mas’uuliyiin iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta Al-shabab ku qaadeen Hotelka SYL, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa.
Dhaawacyadan la qaaday ayaa waxaa ka mid ah Xoghayihii maamulka Gobolka Banaadir, Faysal Afrax Carraale iyo afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale, waxaa kaloo ka mid ahaa dhaawacyadan dalka dibaddisa loo qaaday mas’uuliyiin dowladeed iyo dad shacabah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaawacyada loo qaaday dalka Turkiga u rajeeyay inuu Alle caafimaad deg-deg ah siiyo, iyaga oo caafimaad qabana uu Rabbi soo celiyo. Waxa uuna madaxweyne Xasan horay ugu booqday dhaawacyadan isbitalka Erdogan ee magaalada Muqdisho.
Weerar ay Khawaarijtu ku qaadeen Hotel SYL ayaa lagu dhaawacay 27 qof oo ay ku jiraan dhaawacyada maanta loo qaaday dalka Turkiga, waxaana weerarkaan oo ay soo afjareen ciidamada Qaranka ayaa lagu dilay saddex askari oo ka tirsanaa ciidankii la dagaalanay Khawaarijtii hoteelka gudaha u galay.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

















