Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa xilalka u kala wareejisay Guddoomiyihii hore ee Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf iyo Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan.
Munaasabada xilwareejinta oo ka dhacday Xarunta Degmada Kaxda ayaa waxaa kasoo qeybgalay, Xildhibaano, Odiyaal dhaqan, Guddoomiyeyaashii hore usoo maray Degmada Madax ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.
Khudbado kooban oo halkaasi laga jeediyay ayaa waxaa lagu amaanay shaqooyinkii uu Degmada kasoo qabtay Guddoomiyihii hore iyadoona sidoo kale lagula dar-daarmay Guddoomiyaha cusub in uu ka shaqeeyo horumarka Degmada.














