SAWIRRO: Somalia oo ka mid Noqotay Dalalka ka Qayb-galaya Shirka Guud ee Socdaalka Dalalka ku Mideysan COMESA

0
329

Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa ka qayb-galaysa shirka hay’adaha socdaalka iyo jinsiyadaha dalalka la isku yiraahdo COMESA, waxaana Soomaaliya uga qayb-galay Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Somalia, Mudane Axmed Siciid Maxamed.

Shirkan oo ka dhacaya dalka dalka Zambia waxaa looga hadlayaa dhaqdhaqaaqa xorta ah iyo tirakoobka socdaalka dadka ee waddamada ku bohoobay COMESA.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyada, Mudane Axmed Siciid iyo agaasimaha guud ee socdaalka Zambia, Dr. Japhet M. Lishomwa, ayaa yeeshay kulan doceed looga hadlay iskaashiga iyo wadaagga xogta ah ee socdaalka labada Hay’addood, sidii wax looga qaban lahaa maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran waddanka Zambia iyo In labada hay’adood sameeystaan guddi ka shaqeeya isku xirka iyo wada-shaqeynta labada hay’adood.

Ugu dambeyn, Shirka waxaa ka qayb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda amniga gudaha, Mudane Yuusuf Cali Maxamed iyo safiirka Soomaaliya u jooga dalka Zambia, Danjire Xaawa Xasan Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here