Agaasimaha Qorsheynta Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Barnaamij ku aaddan Horumarinta Dhaqaalaha: SAWIRRO

0
350

Agaasimaha Guud ee agaasinka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabulqaadir Muxyaddiin Axmed (Dalxa) iyo gudddoomiyaha ururka dhalinyarada Gobolka, Mudane Abdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa Maanta ka qayb-galay shirka sare ee hoggaaminta barnaamijka horumarinta dhaqaalaha isku dhafan oo uu maalgaliyo Midowga Yurub.

Kulankan ayaa ahaa midkii 4-aad oo dhaca sanadkiiba mar, waxaana ku wada kulmo Wasaaradaha Qorshaynta heer fedaraal iyo heer dowlad-goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Waxaa kulankaan kasoo qayb-gala madaxda sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo hay’adaha fuliya barnaamijyada.

Barnaamijkan ayaa ka taageero Somalia qaybaha dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, kuwa bulshada, xirfadaha iyo shaqo abuurka dhallinyarada, taageerada bulshada taagta daran iyo bixinta maal-galinada yar-yar ee ganacsiga.

Ugu dambeyn, Kulanka inta uu socday maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay dib u eegista lagu sameeyay qorshaha isku dhafan ee horumarinta dhaqaalaha ee uu maamulka leeyahay kaas oo tixraac u ah dhammaan hawlaha ay fulinayaan hay’adaha ka shaqeeya barnaamijka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here