Kulan mas’uuliyiinta DFS lagu faray inay kaalin ka qaataan dagaalka Al-shabaab oo lagu qabtay Muqdisho: SAWIRRO

0
254

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulanka Agaasimeyaasha Guud iyo Maareyeyaasha Hay’adaha Dowladda oo looga hadlayay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa daba-socda go’aankii Golaha Wasiirrada ee la xiriiray in hay’adaha DFS ay doorkooda ka qaataan dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada.

Mudane Saalax ayaa Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo maareyeyaasha hay’adaha dowladda faray inay ku abaabulaan shaqaalaha si af iyo addinba ay uga qeyb qaataan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka lagula jiro cadowga, ayaa xusay in maanta la joogo dhammaadkii Khawaarijta, waddada kaliya ee guushan lagu sii xaqiijin karana ay tahay midnimo iyo wadajir ummadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here