Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeeray waddooyin dhaxmara degmooyinka Cabdicasiis, Warta Nabadda iyo Via Lebaria ee degmada Waabari oo ay ka socdaan mashaariic laami lagu saarayo waddooyinkaas.
Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa mid uu Duqa Muqdisho ugu kuur-galayo habsima u socodka dhismaha laamiga lagu saarayo waddooyinkaas oo halbowle u ah isku socodka magaalada iyo bilicda Caasimadda, waxaana kormeerkan barbar socday digniino loo jeedinayay dadka sida sharci-darrada ah ku dhistay hareeraha waddada.































