Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ka qaybgalay shir degdeg ah oo looga hadlay xoojinta ammaanka caasimadda iyo ka hortagga falalka amni-darrada ee liddiga ku ah nabadgelyada Muqdisho.
Shirkan oo uu guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa; Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), Kaaliyaha Agaasimaha NISA Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere), Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi), iyo Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir Liibaan Cabdiraxmaan Aadan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta xaaladda amniga ee Muqdisho, waxaana si wadajir ah loogu cambaareeyay weerarkii shalay ciidamada mucaaradka ay ku qaadeen saldhigga Booliska Degmada Warta Nabadda (Ex-Wardhiigley), iyadoo lagu sifeeyay duullaan toos ah oo lagu qaaday sharciga, dowladnimada iyo kala dambaynta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo shirka ka hadlay ayaa si adag u sheegay in Maamulka Gobolka iyo hay’adaha amniga ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda shacabka, isagoo hoosta ka xarriiqay in ficillada mucaaradku yihiin isku day sharci-darro ah oo lagu carqaladeynayo dowladnimada iyo horumarka caasimadda.
Shirka ayaa lagu soo saaray go’aanno muhiim ah oo ay kamid yihiin:
• Dhaqan-gelinta xeerka xakamaynta hubka ee 2023, iyadoo si gaar ah loo mamnuucay isticmaalka hubka culus.
• Digniin adag oo loo jeediyay ganacsatada si ay u ilaashadaan hantidooda, islamarkaana aan loo adeegsan falal amni-darro.
• Baaq loo diray shacabka Muqdisho inaysan ka qaybqaadanin wax loogu yeeray mudaaharaadyada mucaaradka, kuwaas oo lagu tilmaamay falal sharci-darro ah iyo mid lagu carqaladeynayo amniga bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa carrabka ku adkeeyay in la mideeyo awoodda hay’adaha amniga iyo maamulka si loo xaqiijiyo ammaanka caasimadda, isagoo shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan dowladdooda iyo hay’adaha amniga ee difaacaya nabadda iyo kala dambeynta.













