Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeeennada labada gole, ayaa maanta ka qayb-galay kalfadhiga 3-aad kulankiisa 6-aad ee wadajirka ah.
Ajandaha kulanka oo ahaa sii wadista doodda habraaca wax ka beddelka dib u eegista dastuurka ayay mudanayaashu mar kale kusoo bandhigeen aragtidooda, iyaga oo guddiga lawadaagay tallooyin, sixid, toosin, qaabayn iyo wax ka bedel qodobada qaar ee habraaca.
Ugu dbeyn, Kulanka oo saacado badan qaatay kaddib, ayaa la soo gabagabeeyay doodda xildhibaanada, waxaana guddoonku fareen xubnaha guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta dastuurka in ay soo dib u soo qaabeeyaaan habraaca wax ka bedelka dib u eegista dastuurka, iyaga oo raacaya tala soo jeedintii labada maalin qaadatay ee xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.














































