SAWIRRO: Guddoomiye Ciise Guure oo ka Qayb-galay furitaanka Shir lagu xoojinayo Mashaariicda Soomaaliya

0
345

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir; Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qayb-galay madal ay soo agaasintay Wasaardda Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta lagu daahfuray barnaamij lagu magacaabo Somali Renewed Partnership (SRP).

Barrnaamijkan ah ayaa hadafkiisu yahay:

  1. In uu sahlo dhismaha qaab kor u qaadayo wada-shaqeynta xukuumadda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah.
  2. in uu raadiyo qaab lagu wanaajinayo isku xirnaanta gargaarka dibadda ka yimaada iyo mashaariida horumarineed ee dalka laga hir-gelinayo. Sidoo kale barnaamijkan SRP waxa uu hubinayaa in dhaqaalahaas lagu fuliyey mashaariicda iyo sidoo kale qorshayaasha hortabinta u leh DFS.
  3. In uu u tafa-xeyto abuuridda dhaqan ay ka dhex-muuqato isku kalsoonaan labada dhinac ah; (Xukuumadda iyo Saaxiibada Caalamiga ah).

Madane Ciise Guure ayaa hadalkiisa ku muujiyay muhiimadda uu barnaamijkan SRP u leeyahay dadaalka loogu jiro dib-u-dhiska dowladnimada iyo dalkaba isaga oo tilmaamay shanta tiir-shaqeed ee ka farcamaya barnaamijkan, kuwaas oo fulin doona mashaariic ay hoggaaminayaan 5 wasaaradood oo kala duwan, iyaga oo kaashanaya wasaaradaha dhiggooda ah ee dowlad-goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Madashan oo soconaysa muddo labo maamood ah waxaa daah-furay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka, Md. Saalax Axmed Jaamac oo tilmaamay in barnaamijka SRP uu miro dhal noqonayo haddii la helo mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo u danqanaya dalkooda, isla markaana leh hal abuur siyaasadeed oo ka jawaaba baahida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here