Maamulka Gobolka Banaadir ayaa afar Injineer u xiray gurigii xalay kusoo dumay Suuqa Bakaaraha, kaddib warbixin ay soo gudbiyeen guddi uu Duqa Muqdisho u xil-saaray kasoo talo-bixinta dhacdadaas.
Afarta Injineer ee xiran ayaa hadda lagu hayaa saldhigga booliiska degmada Hawl-wadaag, waxaana marka uu baaritaanku soo dhammaado la horgeyn doonaa sharciga, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska duqa Xamar, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mafaale).
Sidoo kale, Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in wixii lasoo saari doono habab ay raaci doonaa injineerrada guryaha ka dhisa Muqdisho, si aanay u soo noqon guryaha duma ee ay dhibaatadu kasoo gaarto shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Warka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa saxaafadda u akhriyay Afahyeenka Maamulla Gobolka Banaadir. Waxaa ku naf-waayay gurigii xalay dumay Hooyo iyo Gabar ay dhashay.













