Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guurre ayaa guddoomiyay kulan laba geesood ah oo dhexmaray guddiga ku meel gaarka ah ee loo xilsaaray inay kasoo tala-bixiyaan shirkadda loo igmaday maareynta arrimaha dhulka iyo khubarro ka socotay shirkadda.
Guddoomiyaha ayaa ka dhageystay khubarada mataleysay shirkadda qorshahooda ku aaddan nidaaminta iyo maareynta arrimaha dhulka, ilaalinta xogta dhulka oo digital ah iyo curinta qorshaha qaabeynta magaalooyinka.
Sidoo kale, waxa ay si faahfaahsan uga warbixiyeen meelaha kala duwan ee ay howshan mid la mid ah kasoo fuliyeen haddii ay noqon lahayd gudaha Soomaaliya sida; Puntland iyo Jubbaland iyo dalka dibaddiisa aida; Itoobiya iyo Kenya.
Ugu danbeyn, Waxaa la isku afgartay in la isugu yimaado kulan mustaqbalka dhow si loo gorfeeyo howshan hortabinta leh ee u baahan fulinta.














