Ra’iisul Wasaare Xamse oo Dalka Qatar kulan kula qaatay ciidamo ka tirsan XDS oo tababarro ay u socdaan: SAWIRRO

0
365

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababar uga socdo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa la wadaagay saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Qatar uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here