Maamulka Puntland ayaa dusha u ritay magta gabar yar oo 15-sano jir aheed oo ku dhimatay rasaas ay rideen ciidaka Boliiska Puntland, xiligaas oo ay socdeen dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay magaalada Garoowe 26-December ee sanadkii tagay .
Ehelada Marxuum Nadiiro Faysal Shire ayaa horay maamulka Puntland uga dalbaday in ay cadaalad hesho gabdhooda oo ay sheegeen in si xaqdaro ah loogu dilay magaalada Garoowe.
Qoraal ka baxay xafiiska Wasiirka Amniga Puntland Mudane Cabdisamad Gallan oo lagu socod-siiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland, islamarkaana la ogaysiiyay Qoyska Marxuumadda, ayaa lagu sheegay in Puntland ay bixineyso magta gabadhaas yar ee la dilay.
Shacabka Puntland ayaa si diiran u soo dhaweeyay go’aanka geesinimada leh ay wasaaradda amniga dusha ku saaratay mas’uuliyada magta gabdhaas.














