SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo ka qaybgalay kulan Wacyigelin Bulsho ah oo Degmada Xamar-jajab lagu qabtay: VIDEO

0
638

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ka qayb-galay kulan wacyigelin bulsho oo lagu qabtay degmada Xamar-jajab, kaas oo ay isugu yimaadeen, odayaasha, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha shacabka Degmada Xamar-jajab.

Kulanka, waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Amniga Gudaha XFS, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS, xubno Baarlamaanka FS ka tirsan, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda G_Banaadir, Xoghayaha Guud ee G_Banaadir, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab, saraakiisha laamaha Amniga iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Madaale ayaa ku boorriyay shacabka degmada Xamar-jajab inay gacan ka geystaan dagaalka lagula jiro kooxaha ka ganacsada daraagiska, isaga oo sidoo kale ugu baaqay inay ilaashadaan waxyaabaha danta guud ah oo laamiyada ay ka mid yihiin.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Yabooh oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Xamar-jajab ay gacan ka siiyaan hay’adaha amniga sidii dhagarta Khawaarijta looga hortegi lahaa, maadaama degmadu ay ku taallo meel ku dhaw Madaxtooyada Qaranka, hay’adaha ka shaqeeya Amnigana ay waqti badan geliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here