Duqa Muqdisho Oo Casho Sharaf u Sameeyay Xulka Qaranka 17-jirada+Sawiro

0
336

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Casho sharaf u sameeyay Cayaartoyda Xulka Qaranka 17-jirada ee kusoo guuleystay Koobka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA U17 ee dhawaan kusoo idlaaday Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Munaasabadan casho sharafta ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xildhibaano, Maamulka Cayaaraha Kubadda Cagta dalka, Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin Fanaaniin iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Cayaartoyda guddoonsiiyay Hadiyad Lacageed oo uu ugu tala-galay in uu ku dhiirageliyo, isaga oo sidoo kale Hadiyado halkaasi lagu guddoon siiyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo waqti badan geliyay dhiiragelinta Cayaartoyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here