Gudoomiyaha degmada Warta Nabadda l, marwo Saynab Maxamoud (Xaabzey) ayaa xafiiskeeda degmada kusoo dhaweysay cutub ka tirsan ciidamada Talyaaniga qaybtiisa arrimaha bulshada.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeennada degmada iyo xoghayaha degmada taliyaha booliiska degmada Warta Nabadda.
Sidoo kale, Taliyaha haggaaminayay ciidanka ayaa sheegay Inay garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo ballan-qaaday inay xarunta degmada ka furi doonan qayb farsamada gacanta ah oo haweenka Iyo dadka deggan degmada ka faa’iideysan doonaan.
Ugu dambeyn, Guddoomiye marwo Seynab Xaabsey ayaa ugu mahadcelisay booqashada iyo taageeridda mar walba la garab taagan yihiin ciidanka Talyaaniga iyo dowladdooda shacabka Soomaaliyeed.


































