Madaxda urur-goboleedka IGAD oo dhageystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.
Jamhuuriyadda Federaalka Somalia waxay bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa usoo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo diblumaasiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku yeelanayso xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.
Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoojiyey qaraarkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku laaleen is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, kaas oo khilaafsan heshiisyada labada dal, mabaad’ida aas-aasiga ah ee Midowga Afrika, xeerarka heer IGAD iyo heer caalamba.
AKHRISO: War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii urur-goboleedka IGAD
1. Ururka wuxuu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
2. IGAD waxa ay si adag u xaqiijinaysaa mabda’a lama dhaafaanka ah ee ilaalinta iyo dhawrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadi’da asaasiga ah ee kor ku xusan iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
3. Waxaan ugu baaqaynaa Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wadahadal wax ku ool ah.















