Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusaayay 25-guuradii kasoo wareegatay Aas-aaskii Jaamacada Muqdisho.
Munaasabadan oo uu goob joog ka ahaa Ra’isul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa lagu soo bandhigay doorka ay Jaamacada Muqdisho ka geesatay badbaadinta Tacliinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.














