Ciidamada Ammaanka hawlgallada Ciiltire oo ka kooban Ciidanka Booliiska, kuwa Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran iyo xiidanka Booliiska sida Millatwriga u tababaran ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa waday hawlgallo lagu xaqiijinayo amaanka Caasimada iyo nawaaxigeeda, iyada oo la sugayo badqabka shacabka ee maalmaha ciidda iyo toddobaadka xorriyadda.
Kooxda khawaarijta oo doonayay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena qalqal-galiyaan xasilloonida iyo amniga caasimadda ayaa dhawr hoobiye kasoo tuuray Garasbaaley, gaar ahaan waaxda 2-aad ee Fooriloow, markii ay saacaddu ahayd 11:30 AM. Kuwaas oo ku dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde meel u dhaw, balse aan geysan wax khasaare ah.
Ciidamada ammaanka oo aad u feejignaa ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay aaggii la rumeysnaa in hoobiyeyaasha laga soo tuuray, waxa ayna ay gacanta ku dhigeen dhawr baalooto oo hoobiye ah, mobeello laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda iyo gurigii laga soo ridayay oo saldhig u ahaa kooxda khawaarijta.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gurigii laga soo riday illaa inta la helayo Khawaarijtii doonayay in dhibaato ay u geystaan shacabka, Waxaana hadda ku sugan guriga Ciidanka Ammaanka oo wada baaris arrinta la xariirta.
Ugu dambeyn, Afhayeenka Booliiska, G/lle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo ku qabtay shir jaraa’id gurigii hoobiyeyaasha laga soo tuuray ee ay ciidamaddu la wareegeen, ayaa sheegay inay baxsadeen kooxdii falkan ka dambeysay, balse ciidamadu ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan gurigan oo saldhig u ahaa, waxaana lasoo bandhigay warbaahinta hoobiyeyaal iyo agab kale oo kooxdu ay ka carareen.















