Shaqaale ka tirsan Waaxda Gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir oo aqoon-kororsi ugu ambabaxaya Turkiga: SAWIRRO

0
404

Hay’adda TIKA ee horumatinta dowladda Turkiga u qaabilsan ayaa kulan sagootin ah u sameysay qeyb ka mid ah shaqalaha gurmadka degdegga oo tababar sare ugu ambabixi doona dalka Turkiga.

Kulanka waxaa ka qaybgalay agaasimaha Waaxda Gurmadka degdegga iyo agaasimaha xiriira arrimaha dibadda ee maamulka gobalka Banaadir, waxa ayna agaasimayaashu kula dardaarmeen shaqalaha tababarka u baxaya inay ka faa’iideystan tababarkan sare iyo fursadda muhiimka ah ee ay nasiibka u heleen, waxa ayna u rajeeyeen inay si wanagsan oo guul ah kusoo dhameystaan kana soo faa’iideystaan tabaarka sare ee dab-damiska iyo xaaladaha degdegga ah ku saabsan.

Gabagabadii, Maamulka Gobolka Banaadir iyo magaalooyinka dalka Turkiga qaarkood ayaa waxaa ka dhexeeya heshiis iskaashi iyo mid aqoon-is-weydaarsi oo ay isku dhaafsanayaan maamulka iyo maareynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here