Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah dibadda uga soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.
Sakariye Kamaal oo ah 28-jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku haysay Hay’adda NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in gacanta lagu soo dhigto xilli uu doonayay in si dhuumaaleysi ah uu ugu gudbo goobaha ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.
Ruuxan la qabtay waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dibadda kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka, si loogu qaado dembigiisa.
Ugu dambeyn, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha dalka iyo dibaddiisaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siinaya dhibaateynta iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed.













