Agaasimaha Waaxda Samafalka iyo Maareynta Musiibooyinka ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Muxyadiin Oogle ayaa uga qayb-galaya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed shir looga hadlayo dhibaatooyinka ka dhalan kara duufaanta El Nino oo ah roobab wata daadad.
Shirkan ayaa waxaa berri furaya, Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, waxaana ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka socda hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, hay’adaha ka shaqeeya samafalka, wasiirrada wasaaradaha dowlad-goboleedyada u qaabilsan maareynta musiibooyinka.
Qodobbada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah; sidii loo maareyn lahaa loona caawin lahaa dadka ay khasaaruhu kasoo gaaraan duufaanta El Nino.
Deegaannada ay El Nino saameynta aadka u daran ku yeelan karto ayaa ah meelaha ay maraan webiyada Shabeelle iyo Jubba oo biyahoodu ay noqon doonaan kuwo xad-dhaaf ah oo ku fataha degmooyinka ay maraan.















